






Xildhibaanada baarlamaanka iyo Saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya ee gobalka Hiiraan, ayaa sheegay in ay damaanad qaadayaan amaanka shaqaalaha samafalayaasha haddii ay ka soo howlgalaan gobalka Hiiraan.
Xildhibaan Max'ed Amiin oo ka soo jeeda gobalka Hiiraan ayaa sheegay iney sugayaan amaanka hay'ad walba ee ka soo howlgasha gobalka Hiiraan, wuxuuna sheegay iney balanqaadayaan Saraakiisha ciidamada iney sugaan amaanka gobalka iyo waliba hay'adda.
Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya xilli ay maalintii shalay ay gaareen qaar ka tirsan hay'adaha QM, islamarkaana ay wada hadleen sidii gargaar loo soo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan gobalka Hiiraan, islamarkaana u sheegay iney amaankooda sugayaan shaqaalaha hay'ad waliba ee ka shaqeyn doonto gobalka Hiiraan.
Simba@simbanews.com
URL:www.simbanews.com
