






Xildhibaanada taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku baaqay in la sameeyo maxkamad u kala garqaado mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, si xal looga gaara dhibaatooyinka hareeyay mudanayaasha baarlamaanka.
Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow oo ka mid ah xildhibaanada garabka Shariif Xasan, ayaa sheegay in waqtigaan loo baahan yahay maxkamada la xisaabtanta dad uu ku tilmaamay in qas ay ka dhex wadaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Wuxuuna Beesha Caalamka ugu baaqay in maxkamada la soo taago shaqsiyaadka dhibaatada ka dhex wada barlamaanka Soomaaliya.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u kala qeybsan labo garab, iyagoona midba midka kale ku sheegayo inuu sharic yahay.
Simba@simbanews.com
URL:www.simbanews.com
