Home | News | Barta SIMBA | Ciyaaro | Contect Us | Profile SIMBA

©2011- DESIGN & WEB-EDITOR. Abdinor Abdikadir Moh'ed(Daacad)Simba@simbanews.com
Posted by: Abdinor,Wasiirka gaadiidka, oo beeniyay iney jiraan qalab laga iibsaday dekeda Muqdisho.25-01-2012

Wasiirka gaadiidka Cirka, Dhulka iyo badda, Aadan C/laahi Aadan, ayaa maanta beeniyay wararkii la xiririiray inuu damacsanaa inuu iibsado biro yaalay dekeda weyne ee Magaalada Muqdisho.

Aadan C/laahi Aadan oo maanta warbaahinta isugu yeeray dekeda Muqdisho, si uu u tusiyo birihii la sheegay inuu doonayay inuu ka iibiyo shirkadd laga leeyahay Puntland, wuxuuna wasiirku yiri

"Wararka la sheegayo waa kuwo been abuur ah, biraha aad aragtaana ma ahan kuwa la iibin karo, mana jiraan wax puntland laga iibiyay ama laga iibin karo wararkaasi waa been abuur ayaan leeyahay"

Xiriir ay shalay la sameysay wasiirka gaadiidka cirka, dhulka iyo badda, Idaacada Simba si ay u xaqiijiso warka ay shalay heshay ayaa u suura gelin inuu wasiirka ka qabto telfoonka.

 

 

 

 

 

 

 

Sawir qaade:- C/laahi Maxamed Cali "Suldaan" (Radio Simba Muqdisho)

Simba@simbanews.com