Home | News | Barta SIMBA | Ciyaaro | Contect Us | Profile SIMBA

©2011- DESIGN & WEB-EDITOR. Abdinor Abdikadir Moh'ed(Daacad)Simba@simbanews.com
Posted by: Abdinor, Madaxda dowladda oo kulan la qaatay ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya. 25-01-2012

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Jerry Rowlings, oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya.

Jerry Rowlings, ayaa aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, kulan albaabada u xiran kula qaatay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisal Wasaare Gaas, iyo Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya, Augostina Mahiga

Kulanka kadib ayaa waxaa saxaafadda si wada jir ah ula hadlay, Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Jerry Rowlings, ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo marka hore saxaafadda la hadlay uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu mar labaad yimaado Muqdisho, uuna diyaar u yahay inuu wax ka qabto xaalada Soomaaliya, iyo howlaha ay Ciidamada Midowga Afrika ka gaareen dhanka Amaanka Muqdisho, wuuna uga mahadceliyay Madaxweyne Shariif, ergeyga gaar ka ah ee Midowga Afrika Jerry Rowlings.

Sidoo kale Jerry Rowlings ayaa isna sheegay inuu aad u soo dhaweynayo xafiiska ay QM ka furatay Soomaaliya, xilli ay Ciidamada AMISOM ku guulesatay xaqiijinta amaanka Muqdisho.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa imaatanka Muqdisho, noqonayo markii labaad oo uu soo gaaro Soomaaliya, waxayna tani ku soo beegmeysa xilli shalay magaalada Muqdisho la furay xafiiska Siyaasada QM ee Soomaaliya.(UNPOS).

Simba@simbanews.com