







Qarax bambaano oo xalay lagu tuuray masjid ku yaalla xaafada abagado ee degmada Dherkenley ee gobalka Banaadir..
Seddex ruux ayaa ku geeriyootay, 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii Salaadii cisho lagu jiray ee lagu tuuray bambo gacameed masjid ku yaalla xaafada abagado ee degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha degmada Dherkenley, Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in dad salaadii cisho ku jiray lagu weeraray bambo gacameed, islamarkaana ay jirto dhimasho iyo dhaawac.
Ma ahan markii ugu horeysay ee bam lagu weeraro masaajidada ku yaalla magaalada Muqdisho.
Simba@simbanews.com
