






Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Somaliland iney fara gelin ku heyso deegaanada ay ka arrimiso Puntland.
Afhayeenka Puntland Axmed Cumar Xirsi(Libaax Joore) ayaa sheegay in Somaliland ay fara gelin ku sameysay dagaalkii ay ku soo qaatay Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Ceyn ee Puntland.
Wuxuuna intaasi ku daray in aan la aqbali karin fara gelinta Somaliland ay ka wado deegaanada Puntland, Waxayna Odayaasha, waxgaradka iyo dhalinyara Somaliland ugu baaqayaan in faraha kala baxaan deegaanada Puntland, iyagoona ay waxyeelo u geysteen dadka ku dhaqan Buuhoodle, islamarkaana lagu daweynayo isbitaalada Magaalada Galkacyo.
Sheegashada Puntland Buuhoodle, ayaa hadana waxaa jira in Shirkii Taleex ka soconayay lagu dhawaaqay Maamul loogu magac daray Khaatumo State of Somalia.
Simba@simbanews.com
URL:www.simbanews.com
