Home | News | Barta SIMBA | Ciyaaro | Contect Us | Profile SIMBA

©2011- DESIGN & WEB-EDITOR. Abdinor Abdikadir Moh'ed(Daacad)Simba@simbanews.com
Posted by: Abdinor,Nigeria oo sheegtay in Boka Xaraam ay xiriir la leedahay Al-Shabaab. 25-01-2012

Wasiirka arrimaha dibadda ee Nigeria, Max’ed Bazuum, ayaa sheegay in Ururka Boka Haram ay xiriir la leeyihiin Shabaabka ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Max'ed Baxuum, ayaa sidoo kale sheegay in ururka Bako Xaaraam ay tababar ka soo qaataan Al-Shabaab, iyadoona Kooxda Bako Xaaraam ay weeraro kala duwan ka fulisay Magaalada Kanu ee dalka Nigeria, halkaasi oo ay ku dilaan dad fara badan oo ciidamada booliska ka tirsan.

Howlgalo ay sameeyeen ciidamada booliska ay ku soo qabqabteen in ka badan 100 ruux oo lala xiriirinayo iney ka tirsan yihiin Ururka Bako Xaaraam.

Dowladda Mareykanka ayaa horey walaac uga muujisay iney xiriir la yeelato Bako Xaaraam, Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Ururka Bako Xaaraam ayaa weeraro iyo qaraxyo ka geysata dalka Nageria, kaa oo ay ku waxyeeloobaan kumaan dadka reer Nageria iyo kuwa dowladda dalkaasi.

 

 

Simba@simbanews.com