







Diyaarado la aaminsan yahay iney ahaayeen Mareykan ayaa xalay la wareegay garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee gobaka Mudug.
Diyaaradaha ayaa gabi ahaanba la wareegay gacant ku heynta garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.
Wararka ayaa sheegaya in howlago ay ka sameeyeen ay ku soo furteen labadii shaqaale ee u shaqeynayay ha'adda DDG, kuwaa oo u kala dhashay dowladaha Mareykanka iyo Denmark.
Howlgal ay diyaaradaha sameeyeen ayaa la sheegay iney ku dileen 8 ruux oo burcad badeed Soomaali ah, mid kalena ay dhaawaceen, halka tiro kalena ay ka xeesteen.
Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug State, Abshir Diini Cawaale, ayaa inoo xaqiijiyay in howlgalo ay sameeyeen diyaaradaha Mareykanka, islamarkaana furtay shaqaalihii ajnabiga ahaa oo in mud ah lagu heystay magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka ayaa tilmaamay in shaqaalaha ay diyaaradaha u qaadeen dalka Jabuuti, sida uu xogta ku helay.
Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa in mudo ah shaqaalo u shaqeynayay hay'adda DDG oo qaabilsaneyd miino baarista, kuwaa oo lagula magacaabo haweeneyda Jessica Buchanna oo u dhalatay Mareykanka, halka ninkana la yiraahdo Boul Hagin oo isna u dhashay Denmark, afduubkaani ayaa dhacay 25 bishii October ee sanadkii tagey.
Simba@simbanews.com
