Home | News | Barta SIMBA | Ciyaaro | Contect Us | Profile SIMBA

©2011- DESIGN & WEB-EDITOR. Abdinor Abdikadir Moh'ed(Daacad)Simba@simbanews.com
Posted by: Abdinor, Madaxweyne Shariif oo dowladaha Caalamka ugu baaqay ine safaaradahooda ka furtaan Muqdisho. 25-01-2012

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu baaqay dowladaha Caalamka iney safaaradahooda dib uga furtaan magaalada Muqdisho.

Madaweyne Shariif ayaa hadalkaani jeediyay kadib markii shalay laga furay xafiiska siyaasada QM ee UNPOS, ugu yeeray dowladaha kale ee caalamka in ay ka furtaan safaaradahooda iyo xafiisyadooda Magaalada Muqdisho.

Wuxuuna madaxweyne Shariif u mahad celiyay dowladda Turkiga oo aheyd dowladii ugu horeysay oo safaarad ka furatay Magaalada Muqdisho.

Hadalka madaxweyne Shariif ayaa imaano xilli ay xafiiska Siyaasada QM ee Soomaaliya Shalay ka furatay Muqdisho, iyadoona in ka badan 17 sano xafiis u ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayna si toos shalay ugu soo wareegtay Magaalada Muqdisho.

Simba@simbanews.com