







Madaxa howgalada gargaarka ee hay'adda MSF, ayaa sheegay iney sii wadayaan howlgaha gargaarka bini'aadanimo ay siinayaan dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Hay'adda MSF, ayaa sheegtay in ay joojiyeen howlihii ay ka wadeen degmada Hodan balse ay sii wadayaan gargaarka degmooyinka kale ee Magaalada Muqdisho.
Madaxa howlgalada MSF, ayaa shaqo joojinta ku meneeyay kadib markii degmada Hodan lagu dilay shaqaalo ka tirsan hay'adooda.
Hay'adda MSF ayaa tilmaamtay iney sii wadayaan howlaga ay ku taageereyso dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha magaalada Muqdisho.
Horey ayay u shaacisay hay'adda MSF iney ka fiirsaneyso ka shaqeynta Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, kadib markii lagu dilay 2 sarkaal oo ka tirsanaa shaqaalaha hay'adda MSF.
Simba@simbanews.com
