Home | News | Barta SIMBA | Ciyaaro | Contect Us | Profile SIMBA

©2011- DESIGN & WEB-EDITOR. Abdinor Abdikadir Moh'ed(Daacad)Simba@simbanews.com

Maamulka Galmudug State ayaa xaliyay khilaafaadkii ugu dhaxeeyay madaxda Maamul gobaleedka Galmudug State, islamarkaana sanadkaan ay isku diyaarinayaan doorashada Madaxtinimo ee maamulkaasi.

Wasiirka Maaliyadda Galmudug, C/laahi Jaamac ayaa tilmaamay in la xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Maamul gobaleedka Galmudug, iyagoona kala saxiixday heshiisyo, islamarkaana ay go'aan ku gaareen iney xaliyaan khilaafaadka, inta aan maxkamada sare ee maamulka loo gudbin.

Heshiisyadaasi ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Madaxweyne Caalin iyo gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug State.

Wuxuu intaasi ku daray in Madaxweyne,baarlamaan iyo Gole wasiiro ay dhamaan soo galayaan doorasho cusub inta aan la gaarin bisha Augost oo uu ku ek yahay xildhilka Madaxweyne Caalin.

Heshiiskaani ayaa salka ku yahay xilli uu horey u kala diray Caalin, baarlamaanka Galmudug, hase yeeshee baarlamaankuna sheegay iney xilka ka qaadeen Madaxweyne Caali ee Maamulkaasi Galmudug State.

Simba@simbanews.com

URL:www.simbanews.com

Posted by:- Abdinor.Khilaafaadkii Galmudug oo xaliyay, heshiisna gaaray.19-01-2012