Home | News | Barta SIMBA | Ciyaaro | Contect Us | Profile SIMBA

©2011- DESIGN & WEB-EDITOR. Abdinor Abdikadir Moh'ed(Daacad)Simba@simbanews.com

Ra'iisla Wasaaraha xukuumada dowladda KMG Soomaaliya, C/wali Max'ed Cali Gaas oo maanta shirjaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho, kaga hadlay duqeymihii diyaaradeed ay geysteen diyaarahda dagaalka Kenya.

Wuxuuna tilmaamay iney baarayaan duqeymihii Keyna ay ka geysteen degmada Jilib, kaa oo ay ku geeriyoodeen 6 caruur ah oo qoys ahaa.

Dhanka kale Ra'iisal Wasaare Gaas ayaa kulan la qaatay Aabihii dhalay Caruurtii ku nafweyday duqeyntii diyaaradaha Kenya, kaa oo lagu magacaabo C/laahi Macali Xuseen, ugu horeyn Waxa uu Ra'iisal Wasaare Gaas uga tacsiyeeyay geerada ilmahiisa ku timid, samin iyo iimaan allaha ka siiyo iyo Umadda Shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

"Aad iyo aad baan ugu xunahay qasaaraha shacabkeena soo gaaraya, ma dhici doonto in mar kale qasaaro noocaani oo kale aysan geysan diyaarahada dagaalka". ayuu yiri, Gaas.

Diyaarahada Kenya ayaa marark badan duqeymo diyaaradeed ka geystay gudaha wadanka Soomaaliya, iyadoona ay khasaaro ka soo gaarta dadka rayidka ah, waxayna intabadan duqeymaha ay ka dhacaan gobalda Jubbooyinka iyo Gedo ee Koonfurta wadanka Soomaaliya.

Simba@simbanews.com

URL:www.simbanews.com

 

Posted by: Abdinor:- Gaas"Waan baaritaano ayaan ku sameyneynaa duqeymaha Kenya 18-01-2012