Home | News | Barta SIMBA | Ciyaaro | Contect Us | Profile SIMBA

©2011- DESIGN & WEB-EDITOR. Abdinor Abdikadir Moh'ed(Daacad)Simba@simbanews.com
Posted by: Abdinor, Faahfaahin ka soo baxeyso dabkii ka kacay xamarweyne.26-01-2012

Gudoomiye ku xigeenka gobalka Banaadir ee arrimaha amniga, Warsame joodax, ayaa faahfaahin ka bixiyay dabkii xalay ka kacay suuqa degmada Xamarweyne ee gobalka Banaadir.

Warsame Joodax, ayaa sheegay in dabka kuu ka kacay suuqa kawaanka hilibka, khudaarta iyo dahablaha, kaa oo sababay khasaaro hantiyadeed.

Waxaa goobta aad ugu basbeelay hantidii taalay qeybo ka mid ah suuqa degmada Xamar weyne ee gobalka Banaadir.

Dabdamiyayaasha Ciidamada AMISOM ayaa ka qeybqaatay daminta dabka suuqa xamarweyne, kuwa gobalka Banaadir, Bulshada rayidka, iyo waliba dabdamiyayaasha dekeda weyne ee Magaalada Muqdisho. kaa oo markii dambe lagu guuleystay in la damiyo.

Waa soo noqnoqda dadka ka kaca suuqyada ganacsi ee gobalka banaadir iyo gobalada kale ee dalka, kaa oo aan wax ka qaban dowladda iyo maamulada ka jira.