






Dowladda Ukrain ayaa muwaadiniinteeda ugu digtay iney u safraan dalka Kenya, gaar ahaan goobaha u dhow xuduuda Soomaaliya.
Wasaarada arrimaha dibada wadanka Ukrain ayaa kula talisay muwaadiniinta wadanka Ukrain, ineysan u safrin wadanka Kenya, gaar ahaan goobaha u dhow dhow xuduuda ay la wadaagto wadanka Soomaaliya.
Mas'uul u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda Ukrain ayaa ugu baaqay in muwaadiniinta u safreyso Kenya ay la soo socodsiiyaan Safaaradda wadanka Ukrain ay ku leedahay Kenya, islamarkaana ay ka fogaadaan goobaha u dhow xuduuda Soomaaliya.
Arrintaani ayaa imaaneyso xilli laga baqanayo in Shabaaba ay afduub u geystaan dadka ka soo jeeda reer galbeedka, iyadoona cabsidaani ay imaaneyso xilli ay dagaal kula jirto Kenya Xarakada Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya, kuwaa oo in badani afduub ka geystay Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.
Simba@simbanews.com
URL:www.simbanews.com
