Home | News | Barta SIMBA | Ciyaaro | Contect Us | Profile SIMBA

©2011- DESIGN & WEB-EDITOR. Abdinor Abdikadir Moh'ed(Daacad)Simba@simbanews.com

Dowladda dalka Seychelles ayaa diiday in wadankeeda lagu xiro kooxo burcad badeed Soomaali ah, oo ay gacanta ku heyso dowladda dalka Denmark.

Sida ay sheegtay dowladda Denmark ayaa tilmaamtay Jasiirada Sychelles diiday iney la wareegto 25 ruux oo burcad badeed Soomaali ah, oo ay gacanta ku soo dhigeen maraakiibta dagaal ee dalka Denmark ee ku sugan xeebaha wadanka Soomaaliya.

Burcad badeedka la soo qabtay ayaa la sheegay 7-bishaan Janaury, gacanta ku dhigay iyaga iyo dooni nuuca kaluumeysiga ah oo ay wateen Markabka dagaalka Denmark ee Absalon kaas oo ka qeyb qaadanaya howlgalka ladagaalanka Burcad badeeda ee ka soconaya xeebaha Soomaaliya.

Waxayna dowladda Denmark ayaa bishii May ee la soo dhaafay isku dayday iney wadahadal la gasho Jasiirada Sychelles sidii looga dhaadhicin lahaa qaabkii ay ula wareegi laheyd burcad badeedaani, hase yeeshii dowladda Sychelles ayaan ogolaan wada hadalkaasi..

Kooxo badan oo burcad badeednimo loo heystay oo lagu soo qabtay geeska Afrika ayaa la sii daayay, iyadoona aan wax maxkamad ah la soo taagin, taa oo ku aadan in wadama reer galbeedka ugu caga jiidayaan maxkamad saarida kooxda burcad badeeda Soomaalida ah.

Simba@simbanews.com

URL:www.simbanews.com

 

Posted by: Abdinor:- Dowladda Sychelles oo diiday iney burcad badeed Soomaali ah la wareegto. 18-01-2012