






Dagaalyahanada Al-Shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca ayaa dagaal saacado socday ku dhexmaray Magaalada Dhuusomareeb, oo fariimiso u ah Culumaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca.
Gudoomiyaha Dhuusomareeb, Sheekh C/raxmaan Geedi, ayaa sheegay in ay weerar ku soo qaadeen Al-Shabaab, islamarkaana ay iska caabiyeen, wuxuuna intaasi ku daray in ay 3 ruux ka dileen Xarakada Al-Shabaab.
Wax war ah kama soo bixin dhanka Al-Shabaab ee u aadan dagaalka ay guulaha ka sheeganeyso Ahlusunna ee kula galeen Magaalada Dhuusomareeb ee gobalka Galgaduud.
Simba@simbanews.com
URL:www.simbanews.com
