Home | News | Barta SIMBA | Ciyaaro | Contect Us | Profile SIMBA

©2011- DESIGN & WEB-EDITOR. Abdinor Abdikadir Moh'ed(Daacad)Simba@simbanews.com
Posted by: Abdinor, Brack Obama "Howlgal ayaan ku soo furanay Safalayaal u dhashay Mareykanka iyo Denmark". 25-01-2012

Madaxweynaha dowladda Mareykanka, Brack Obama, ayaa sheegay in howlgalkii maanta lagu soo furtay samafalayaal u shaqeynayay hay'adda DDG, ay ku guuleysteen howlgalka ay ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Obama, ayaa tilmaamay in falkaani ay ka dambeysay kadib markii ay ka war heleyn in xaalada caafimaad ay sii xumaaneysay Jessica Buchanan oo u dhalatay Mareykanka.

Obama, ayaa sheegay iney howshaani ku soo guuleysteen ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ayna soo furteen labadii shaqaale ee safayalayaasha ahaa kuwa oo u kala dhashay Mareykan iyo Dernmark, islamarkaana ay dileen 8 afduubayaasha burcad badeeda ahaa.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Joe bidig, ayaa aad ugu mahadceliyay ciidamadii howlgakaasi fuliyay, islamarkaana soo badbaadiyay shaqaalaha hay'adda DDG.

Samafalayaasha ayaa in muda ah lagu heystay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, kuwaa oo gacanta ugu jiray kooxo burcad badeed ah, hase yeeshee habeenkii xalay aheyd ee diyaaradaha Mareykanka ay howlgal militeri ku soo furteen.

Simba@simbanews.com