Home | News | Barta SIMBA | Ciyaaro | Contect Us | Profile SIMBA

©2011- DESIGN & WEB-EDITOR. Abdinor Abdikadir Moh'ed(Daacad)Simba@simbanews.com
Posted by: Abdinor,Ciidamada ASWJ iyo Kuwa DKMGS ee kusugan gobalada Koonfureed oo ka cabanaya mushaar la'aan. 25-01-2012

Ciidmada Ahlusunna waljamaaca iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan gobalka Gedo ayaa ka cabanay mushaar la'aan tan iyo markii ay xukuumadii Farmaajo meesha ka baxday.

Sheekh Isxaaq Xuseen Geesdheere, xoghaya gaashaandhiga culumaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegay ineysan wax mushaar ah aysan helin mudo 7 bilood ah, tan iyo inta uu xukuumada la wareegay Ra'iisal Wasaare Gaas.

Wuxuuna intaasi ku daray in xukuumada ay si deg deg ah ula soo gaarto mushaaraadka ciidamada ku sugan gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Cabashada ciidamada Ahlusunna iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay dagaalo adag ka soconaya Koonfurta dalka Soomaaliya, kuwaa oo ay kula jiraan Xarakada Al-Shababaab.

Simba@simbanews.com