






Maamulka Xibin iyo Xeeb ayaa sheegay in degmada Hobyo ee gobalka Mudug, ineysan hoostagin Maamulka Galmudug State.
Afhayeenka Xibin iyo Xeeb Cumar Xagafeey, ayaa sheegay in maamulka xibin iyo xeeb aysan ka war qabin xilligaan in maamul ka jira degmada Hobyo ee gobalka Mudug.
Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney degmada Hobyo ay ka tirsan tahay goobaha ay maamulaan Galmudug State, hase ahaatee waxaa arrintaasi ka soo horjeesatay Maamulka Xibin iyo Xeeb.
Simba@simbanews.com
URL:www.simbanews.com
