






Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir ayaa maanta ka badbaaday qarax miino oo lagula eegtay degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Gobalka Banaadir Max'ed C/laahi Cariig ayaa maanta ka badbaaday gaarikiisa qarax miino degmada C/casiis ee gobalka banaadir xilli uu halkaasi socdaal ku marayay.
Afhayeenka ayaa faahfaahin ka bixiyay qarxa, isagoona sheegay in qarax lagu rakibay gaarikiisa, hase yeeshee uu ka badbaaday inkastuu uu yiri uu khasaaro ka soo gaaray mid ka mid ah ilaaladiisa oo ay aad isugu dhawaayeen. sida uu yiri.
Wuxuuna intaasi raaciyay in ay wadaan baaritaano ku aadan cidiid ka dambeysay in qaraxa lagu xiro gaariga.
Qaraxyada Mas'uuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya ayaa aheyn mid ku cusub magaalada Muqdisho, Iyadoona mas'uuliyiin badan ay ku geeriyoodeen qarax miino oo dhulka iyo gaariba loogu aasay.
Simba@simbanews.com
URL:www.simbanews.com
