Ciidamo ka tirsan Askarta dowladda KMG ah ayaa maanta tacadiyo isugu jira jir-dilo iyo dhac waxay ka geesteen xarunta Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho, ka dib markii gudaha xarunta ay u soo galeen.
Ciidamadaasi ayaa waxay xarunta Idaacadda Simba ay kala baxeen qaar ka mid ah Qalabkii ugu muhiim sanaa ee Idaacadda, iyadoo aan la ogeyn halka ay ula dhaqaaqeen.
Sidoo kale, ciidamadaasi ayaa waxay jir-dilo xun waxay u geesteen qaar ka mid ah Shaqaalaha Idaacadda, oo xilligaasi ku jira jiray howsha Idaacadda.
Idaacadda Simba ayaa haatan waxaa ay tahay mid aan shaqeyneenin, isla markaana hawada ayay ka maqan tahay, ka dib markii Ciidamadaasi dowladda KMG ah ka tirsan Idaacadda ay ka qaateen qalabkii ay ku shaqeyn laheyd, intii ugu muhiim sanaa, sidaasi maamulka ayaa xaqiijinaya.
Shalay ayay aheyd markii Madaafiic ay ku dhaceen qaar ka mid ah xarunta Idaacadda, kaa oo sababay bur bur soo gaara, qeybtii keydka Idaacadda.
Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkeena dambe ee Radio Simba |