Gudoomiyaha maamulka degmada X/jajab ee gobolka Banaadir, Mr. Qoorleex oo maanta shir jaraa'id qabtay ayaa ka hadlay dilkii loo geestay Cambaro Cali Cilmi oo aheyd ku-xigeenka gudoomiyaha degmadaasi oo maanta lagu aasay magaalada Mudisho.
Waxaa uu sheegay Mr. Qoorleex in uusan jirin cid illaa iyo haatan u soo qabteen falkaasi lagu qaarijiyey ku-xigeenkiisa oo haweeney aheyd, balse waxaa uu tilmaamay in ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi.
Mar ay wariyeyaasha weydiiyeen cidda uu ku eedeynayo falkaasi ayaa waxaa uu yiri Qoorleex "qof bastoolad lagu dilay waynu wada naqaanaa cidda ka dambeysa, wayna soo qaban doonaa".
Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli maalin ka hore afaafka hore ee gurigeeda ay ku dhaawaceen kooxo hubeysan marwo Cambaro Cali Cilmi, gudoomiye ku-xigeenadii maamulka degmada X/jajab, dhaawacaasi oo ay u geeriyootay markii dambe. |