Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Gaari raashiin siday oo u rarnaa WFP oo lagu boobay degmada Waabari ee mag. Muqdisho.

Muqdisho, Isniin, 30 June - 2008 [Radio Simba]

Dad careysan ayaa galabta boob ugu geesteen gaari raashiin siday una rarnaa hey'adda Cunada aduunka uqu qaabilsan Q.M. ee WFP degmada Waabari ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa labada buundo ee degmadaasi.

Sida idaacadda Simba uu u xaqiijiyey mid ka mid ah goob joogeyaal halkaasi ku sugnaa, waxaa gabi ahaanta ay dadkaasi boobeen raashiinkii saarnaa gaarigani.

Waxyar ka dib ayaa goobta waxaa gaaray ciidamada dowladda KMG ah, kuwaasoo ku guuldareystay in ay bad baadiyaan raashiinka u rarnaa WFP oo ka soo dhaqaaqay dekadda weyn magaalada Muqdisho.

Dhowaan ayey aheyd markii maamulka degmada X/jajab ee dowladda KMG ah soo magacaawday uu ku eedeeyey gawaarida xamuulka qaaday boobka loo geesto raashiinka ay sidaan ka dib markii gudaha degmadaasi X/jajab boob loogu geestay raashiin u rarnaa WFP maalinimadii Talaadada.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani