Xubin sare oo ka tirsan isbaheysiga dib u xoreynta, isla markaana ku sugan gudaha dalka ayaa soo dhoweeyey shirka lagu wado in wadanka Yemen uu dhowaan ka furmo kaasoo lagu dhex dhexaadinayo madaxda ugu sareysa isbaheysiga dib u xoreynta markii dhowaan uu qilaaf soo kala dhex galay madaxdaasi.
Wareysi uu siiyey idaacadda Simba isagoo ku sugan bartamaha Somalia, magaalada Balad weyn, xoghayaha arrimaha gudaha isbaheysiga dib u xoreynta, Cumar Xaashi Aadan waxaa uu shaaca ka qaaday in uu aaminsan yahay in marka kulankaasi la'isugu yimaado lasoo afjari doono qilaafka haatan taagan.
Warkan ka soo yeeray Cumar Xaashi Aadan, xoghayaha arrimaha gudaha isbaheysiga dib u xoreynta ayaa ku soo aadaya xilli xubnaha isbaheysigaasi ay labo garab u kala jabeen, kuwaasoo haatan ku kala sugan magaalooyinka Asmara iyo Djibouti markii qilaaf dhexdooda ah uu soo ifbaxay, balse la filayo kulan lagu dhex dhexaadinayo uu ka furmo wadanka Yemen. |