Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

44 Sanno ka dib spian (Furia Roja) oo hanatay koobka qaramada Qaarada Yurub Euro 2008.

Kuala Lumpur, Isniin, 30 June - 2008 [Radio Simba]

Ciyaaryahan xidiga ah ee kooxda liverpool ayaa u sahlay xulkiisa inuu si taariikhi ah u qaado koobka EURO 2008 ka dib ciyaartii finalka ee ka dhacday magaalada Veina ee ay isaga horyimaadeen xulka Jarmalka tasoo ku dhamaatay gool iyo waxba.

Torres ayaa goolka si xarago leh u dhaliyay daqiiqadii 33aad ka dib markii uu baas fiican ka helay ciyaaryahan Xavi tasoo suuro galisay inuu qiyaameeyo goolhayaha sii duqowbaya ee Jens Lehman. Torres ayaa xalayto waxa uu ahaa Hero of the Nation inkastoo la bedelay qeybihii danbe ee ciyaarta.

Spian ayaa waxa sidoo kale soo martay ka dib daqiiqadii 80 aad fursad kale oo cajiib ah tasoo uu lugta la waayay Marcos senna ka dib kubad madax lagu soo dhiibay oo hortaalay goolka afkiisa hore.

Jarmalka ayaa iyagu dhankooda waxa ay heleen fursad kaliya oo gool ay ku heli kareen lakiin nasiib darro micheal Ballack ayaa kubadii uu laaday debeda uga baxday.

Inta ku jirta Teamka spian oo uu ku jiro macalinkooda 69 jirka ah ee Lius Argones intaba weligood ma aysan u dabaal degin koobkan waana markii ugu horeysay ee fursad ay helaan da' yarta dalka spain oo nasiib xumo uu la degay sanadihii u danbeeyay.

Waxaa xulka jarmalka ay haatan is weydiinayaan Ballack oo dhaawac ahaa oo isagu sheegatya inuu caafimaad qabo lakiin waxaa la leeyahay 45kii daqiiqo ee u horeeyay ayaa laga dareemi karay dhaawaca uu qabay, ballack ayaa noqonaya mid nsaiib xumo ay la degtay ciyaaraha finalka waxa uu seegay labo koob ookoobka horyaalada qarada yrub loo yaqaano iyo isagoo ganaax ugu maqnaa kulankii finalka ee xulkiisa ay koobkii aduunka ee 2002 la ciyaarayeen Brzail tasoo xulkiisa loo awood shegtay hadeana waa mar kale oo ciyaar final ah weynayo.

Ciyaartii xalay ayaa waxa ay aheyd midii ugu daawashada badneyd tan iyo intii uu tartankan socday waxaana daawanaya xalay oo garoon joogay 51 kun oo taageerayaal ah waxaana ciyaaarta garsoorayay Garsoore u dhashay talyaaniga oo la yiraahdo Roberto Rosseti.

Ciyaartii xalayto ayaa waxaa daawanayay Boqorka iyo boqorada dalka spian Juan Carlos Iyo Sofia sidoo kale waxaa goob joog ka aheyd oo taageeradeeda ay aad u muuqatay chancellorka dalka Jarmalka Angel Markel iyo marti sharaf kale oo addunweynaha ka socotay.

Spain ayaa koobkan waxa uu u yahay kii labaad ee ay qaado waxaana ay ku guuleysatya 1964tii iyo 2008 oo iminka Unbeaten ay ku qaaday xitaa spian tartankan intii uu socday barbaro ma aysan gelin.

Ciyaaryahan David Villa ayaa xalay aan ka qeyb qaadan ciyaartii finalka dhaawac daradii lakiin waxa uu sidoo kale yahay ninka ugu goolashada badan tartankan intii uu socday.

Raisal wasaaraha dalka Spian Jose Luiz Rodriguez Zapatero ayaa waxa uu shegay ka dib markii ay soo dhamatay ciyaarta oo xulkiisa xaqiijiyay hanashada koobkan inuu rumeysan yahay inay tani bilow u tahay waqti fiican oo spain dhanka kubada cagta ah ka soo mari doona.

Zapatero ayaa ku tilmaamay in kulankii xalay u ahaa mid ka mid ah munaasabdihii ugu weynaa ee uu abid soo jooga madaama furxad ka maqneyn muddo 44 sanno ah ay haatan dib ugu soo laabatay.

" Waan faraxsanahay, lakiin weli lama kuolmid ciyaartoyda xulka, waan arkayay farxadooda, runtii anigana farxweyn ayaa igu jirta" ayuu yiri Ra'isal wasaaraha Spian Zapatero.

" Waxay ii tahay muhim weyn sababtoo ah waxaan ahay ra'isal wasarihii ugu horeeyay ee dimuqiraadi ah oo koobkan sidaan oo kale ah gacanta ku dhiga taasna waan ku faraxsanahay"

Waxa uu ugu danbeyntii sheegay Zapatero in tani ay fariin cad u tahay koobka addun oo labo sanno ka dib la qaban doono taasna ay sugayaan sidaan oo kale inay u xusaan.

Sidoo kale ciyaaryahanka Dhinaca gawaarida ee Formula One ugu qatarsan dalka spain Fernando Alonso ayaa waxaa la sheegay in sadashiisa y run noqotay ka dib markii la wareystay intii aysan ciyaarta bilaaban tasoo uu sheegay inay spain ku adkaan doonto gool iyo waxba.

Kabtanka da' yar ee kooxda Spian Goolhaye Iker Cassilas ayaa waxa uu isna sheegay inuu koobkani yahay mid ka mid ah wax yaabihii uu ku riyoon jiray islamarkaana riyadiisa ay haatan rumowday.

Saciid Maxamed Cali
Radio Simba
Kuala Lumpur, Malaysia
E-mail: saciidyare50@hotmail.com

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani