Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Wariyeyaal u dhashay dalka Faransiiska oo goor dhoweyd lagu rasaaseeyey magaalada Boosaaso.

Muqdisho, Isniin, 30 June - 2008 [Radio Simba]

Kooxo hubeysan ayaa goor dhoweyd rasaas ku furay koox wariyeyaal ah oo u dhashay dalka Faransiiska, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana gaari ay saarnaayeen lagu rasaaseeyey meel u dhow xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso.

Kooxda falkani ka dambeeyey ayaan illaa iyo haatan la aqoonsan, iyadoo rasaastii ay fureen uu ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladii wardiyeyneesay wariyeyaashaasi u dhashay dowladda Faransiiska ee ku sugan magaalada Boosaaso.

Tacshiiradaasi ayaa waxaa ay sababtay in uu hakad ku yimaado in mudo ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, walow markii dambe uu caadi ku soo laabtay, sida uu soo sheegay wariyaha Simba uga soo warama Boosaaso, Saciid Maxamed Warsame.

Markii uu falkaasi tacshiirada ay dhacday ayaa goobta waxaa soo gaaray ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso, waxayna halkaasi ay ka bilaabeen baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey iyo sababta ka dambeysa.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay oo tacshiirado lagula beegsado koox wariyeyaal ajaaniib ah oo iyagu howl shaqo u jooga deegaanada maamul goboleedka Puntland, iyadoo dadweynaha reer Boosaaso ay falkaasi cambaareeyeen.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani