Tan iyo wixii ka dambeeyey dabayaaqadii bishii May ee sanadkan waxaa sii xoogeysanaya khilaafka soo kala dhex galay xubnaha isbahaysiga dib uxureynta dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay dowlada Yemen ay bilowday qorsheyaal ay ku dhex dhexaadineyso xubnaha isbahaysigaasi ee khilaafku u dhaxeeyo gaar ahaan xubnaha kala jooga Asmara iyo Djabouti.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah madaxda isbahaysiga ee jooga magalada Asmara ee xarunta dalka Eriteria ayaa wareysi gaar ah siiyey idaacadda Simba wuxuuna sheegay goordhow in ay iskudiyaarinayaan xubnahooda jooga Asmara safar ay ugu ambabaxaan magaalada Sanca ee dalka Yemen kadib markii ay casuumad ka heleen madaxweynaha dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax.
Xasan Daahir Aweys waxa uu sidoo kale tibaaxay in Yemen ay u tagayaan sidii dhabaha loogu xaari lahaa in meesha uu kabaxo isfaham la'aanta dhanka fekerka ah ee soo kala dhexgalay xubnaha isbahaysiga, kaasi oo ku aadan heshiis lala galo dowladda federaalka KMG ah, isagoona rajo ka muujiyey waxa kulamadaasi laga filankaro.
Wararka kale ee laga helayo magaalada Dabouti ee dalka Djibouti ayaa shegaya in halkaasi ay ka socoto qabanqaabo ku aaday safar ay ugu ambabaxayaan dalka Yemen xubnaha isbahaysiga oo ay ka mid yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, kuwaaasoo lagu wado in ay u ambabaxaan dalka Yemen.
Lama oga waxa kulankan lagu wado in dalka Yemen uu kadhaco ka soo bixi kara, inkastoo labada dhinac ay rajo ka muujiyeen kulankani. |