Inta la ogyahay seddex ruux oo rayid ah ayaa maanta ku dhaawacmay wadada 21-ka Oktoobar degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ka dib markii dadkaasi rayidka ah gaari ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday wadadaasi.
Dadkaasi ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaaray markii gaarigii ay la socdeen uu dul maray miino hore lood dhigay wadada dhinaceeda, waxaana illaa iyo haatan si dhab ah loo ogeyn cidda qaraxaasi lala damacsanaa.
Gaarigaasii noociisu ayaa lagu sheegay in uu ahaa Market, isla markaana ay saarnaayeen dad rayid ah, iyadoo qaar ka mid ah dadkaasi ay yihiin dadka waxyeelada soo gaartay.
Ma'ahan markii ugu horeysay oo dad rayid ah waxyeelo ka soo gaartay qarax miino oo la kacday gaari ay saarnaayeen, gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyada ay magaalada ka noqdeen kuwo joogto ah. |