Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Meydka wiil dhalinyaro ah oo laga helay deegaanka Suuq Bacaad ee deg. Yaaqshiid oo xalay weerar uu ka dhacay.

Muqdisho, Axad, 29 June - 2008 [Radio Simba]

Meydka wiil dhalinyaro ah ayaa saaka laga helay deegaanka Suuq Bacaad degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhanka kale weerar bam baano habeenkii xalay lagu weeraray laanta horseed ee degmadaasi, kaasoo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deeganka Suuq Bacaad ayaa u sheegay idaacadda Simba in ay aqoonsadeen meydka saaka lagu arkay deegaankaasi, kaasoo da'diisa lagu qiyaasay illaa 14-jir.

Dhanka kale, inta la ogyahay ayaa afar ruux ku geeriyootay tiro kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray weerar habeenkii xalay lala eegtay laanta Horseed ee degmada Yaaqshiid.

Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday laanta Horseed, kuwaasoo weerarkooda u adeeg saday bam nooca gacanta laga tuuro, sida dad goob joogeyaal idaacadda Simba ay ugu warameen.

Si walba ha ahaatee, xaaladda degmada Yaaqshiid ee waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa saaka degan ka dib markii qeybo ka mid ah degmadaasi uu xalay ka dhacay qarax loo adeeg saday bam gacmeed.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani