Cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia ayaa saaka u dhaqaaqay deegaanka Feer-feer ee dhulka ismaamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia, ka dib markii ay ciidamadaasi ka guureen fariisiinkii ugu dambeeyey ee ay ku lahaayeen gudaha gobolka Hiiraan ee deegaanka Kalabeer, xilli xarunta gobolkaasi wali ay ku sugan yihiin xoogaga Maxkamadaha Islaamka.
Fariisinka Kalabeer oo ah xarumtii ugu dambeeysay ee ciidamada Ethiopia kaga sugnaayeen bartamaha dalka oo saaka ay faarujiyeen ciidamadaasi ayaan la ogeyn sababaha dhabta ah ee ka dambeysa, hasa ahaatee waxaa uu arrinkaasi ku soo aaday xilli gobolka Hiiraan mudooyinkan dambe uu ku soo badanayey weerarada ka dhanka ah ciidamada Ethiopia.
Dhanka kale, waxaan illaa iyo wali la ogeyn halka jaan iyo cirib ay dhigeen mas'uuliyiintii maamulka degmada Balad weyn ee xarunta gobolka Hiiraan ee dowladda KMG ah soo magacaawday, kuwaasoo habeen ka hor isaga cararay magaalada waxyar ka dib markii sidoo kale ciidamada Ethiopia ay ka guureen saldhigga-115 ee gobolka.
Shalay ayey aheyd markii ciidamada Ethiopia ay baneeyeen saldhigga Janta-guundisho ee duleedka magaalada Balad weyn, kuwaasoo u dhaqaaqay dhanka degmada Guriceel ee xarunta gobolka Galguduud, talaabadaasi oo ka dhigeysa tii labaad oo mudo 24-saac gudahood kaga guuraan ciidamada Ethiopia fariisimo ay ku lahaayeen gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale, wararka laga helayo magaalada Balad weyn saaka ayaa sheegaya in magaalada ay ka socdaan howl galo ay wadaan xoogaga Maxkamadaha Islaamka oo shalay la wareegay gacan ku heynta magaaladaasi ee xarunta gobolka Hiiraan. |