Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaal maanta ku dhex maray ciidamada booliska dowladda KMG ah iyo xoogaga ka soo horjeeda gudaha degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Inta la ogyahay lix ruux oo ay ka mid yihiin gudoomiyaha maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool, Maxamed Macalin Axmed iyo darawalkiisa ayaa ku dhaawacmay dagaalkii maanta ka dhacay gudaha degmadaasi, iyadoo dhinacyadii dagaalkaasi u dhaxeeyey ay isku adeeg sadeen noocyada kala duwan ee hubka.
Goob jooge ku sugan degmada Xudur ayaa idaacadda Simba uga waramay sida uu dagaalkaasi u dhacay, isagoona xusay in dadka halkaasi waxyeelada kasoo gaaray ay u badan yihiin dad shacab ah.
Warar soo baxayo ayaa sheegaya in xoogagii maanta la dagaalamay ciidamada dowladda KMG ah ay hore u sii kaxeysteen labo ruux oo ka mid ahaa shaqaalaha hey'adaha QM ee ka howl gala gudaha gobolkaasi Bakool, iyo afar gaari oo mid uu lahaa gudoomiyaha baarlamaanka. |