Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Xukuumadda Washington oo $60 milyan ugu deeqday dowladda KMG ah si dhibaatooyinka wax uga qabato.

Muqdisho, Sabti, 28 June - 2008 [Radio Simba]

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhoweysay go'aanadii ay ku gaareen shirkii dib u heshiisiinta ee dhowaan lagu qabtay wadanka Jabuuti xubno ka tirsan isbaheysiga dib u xoreynta dalka iyo dowladda federaalka KMG ah ee Somalia.

Go'aanadii lagu gaaray shirkii Jabtuuti ayaa ka mid ahaa heshiis xabad joojin ah iyo waliba in mudo 120-cisho gudahooda dalka ay uga baxaan ciidamada Ethiopia si loogu badalo ciidamo ka socda QM si ammaanka caasimadda ugu soo celiyaan, taa oo keentay kala qeyb sanaan soo dhex galay xubnaha isbaheysiga dib u xoreynta dalka.

Dhanka kale, warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Washington ayaa lagu xusay in dowladda federaalka KMG ah loogu deeqay lacag dhan lixdan milyan oo dollarka Mareykanka ah, si wax loogu qabto xaaladaha cakiran ee ka jira gayiga Somalia.

Ma'ahan markii ugu horeysay oo dowladda Mareykanka ay ka hadasho dhibaatooyinka in mudo ah ka taagnaa gudaha wadanka Somalia.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani