Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogaga hubeysan ee ku kacsan dowladda KMG ah ayaa haatan ka soconaya agagaaraha fagaaraha tarabuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkan oo la'isku adeeg sadanyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid markii xoogaga hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisimo ay deganaayeen ciidamada dowladda KMG ah.
Lama oga qasaraha uu keenay weerarkaasi iyo dagaalka oo wali soconaya, iyadoo rasaasta kala duwan laga maqlayo goobo ka baxsan degmadaasi Hodan, iyadoo warar soo baxayo ay sheegayaan in dagaalka ay ku biireen ciidamada Ethiopia.
Dagaalkan ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaq dhaqaaqii kala duwanaa ee deegaanada ku dhow dhow fagaaraha Tarabuunka ee magaalada Muqdisho. Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe. |