Hal ruux ayaa geeriyooday mid kalena waa uu dhaawacmay ka dib markii dabley hubeysan oo aan la aqoonsan ay rasaas ku fureen goob dad rayid ah ku sugnaayeen oo ku taala deegaanka mareerey oo dhanka koonfur bari kaga toosan degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.
Lama oga sababta ka dambeysa arrinkani, iyadoo uu falkaasi ku soo aaday xilli wax colaad ah ka jirin deegaankaasi, waxaana falkani uu dhaxay habeenkii xalay.
Qofka rayidka ah ee ku geeriyooday tacshiiradaasi ayaa saaka lagu wadaa in la aaso, halka midka kale ee goobtaasi dhaawac ka soo gaaray loola cararay cisbitaalka ku yaala degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose, sida uu soo sheegay wariye Sheekha Caddow Amiin oo gobolka uga soo warama idaacadda Simba.
Dadweynaha ku nool deegaankaasi mareerey ayaa aad ula yaabay sida ay wax u dhaceen, waxaana haatan soconaya dadaalo ku aadan sidii loo ogaan lahaa cidda dhabta ah ee ka dambeysa falkaasi, howshaasi oo ay wadaan ciidamo madani ah oo degmada dhowaan loo sameeyey. |