Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Qarax xoogan oo dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Afgooye.

Muqdisho, Sabti, 28 June - 2008 [Radio Simba]

Hal ruux ayaa geeriyooday seddex kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii qarax aad u xoogan uu maanta ka dhacay degmada Afgooye, gaar ahaan goob boosteejo ah oo gawaarida laga raaco, sida uu soo sheegay wariyaha Simba, Sheekh Caddow Amiin.

Qaraxani ayaa la tilmaamay in uu ahaa bamka nooca gacanta laga tuuro, hasa ahaatee illaa iyo haatan ayaan la ogeyn cidda lala damacsanaa, waxaana dadka waxyeelada uu gaarsiiyey qaraxaasi ay dhammaantood yihiin dad shacab ah.

Seddexda ruux ee dhaawaca ka soo gaaray firikii ka dhashay qaraxaasi oo la dhigay cisbitaalka degmada Afgooye ayaa mid ka mid ah laga dayrinayaa xaaladiisa caafimaad, sida ay ku warameen howl wadeenada cisbitaalkaasi.

Ma'ahan markii ugu horeysay oo qarax ceynkan oo kale uu ka dhaco gudaha degmada Afgooye, waxaana uu falkani noqday hadal heynta ugu badan ee ay hadalyahaan dadka reer Afgooye.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani