Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Tiro hoobiyeyaal ah oo laga maqlay deegaanka Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.

Muqdisho, Jimce, 27 June - 2008 [Radio Simba]

Hoobiyeyaal dhowr ah ayaa habeenkii xalay laga maqlay qeybo ka mid ah degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo ku habsaday deegaanka Suuqa Xoolaha ee degmadaasi ka tirsan.

Warar aan ka helnay dadka deegaankaasi ku dhaqan ayaa tilmaamaya in hoobiyeyaashaasi ay ka yimaadeen goobo ay ku sugan yihiin ciidamada Ethiopia, sida jihada Istaadiyo Muqdisho iyo xaruntii warshadda Baastada, inkastoo aan si dhab ah loo caddeyn karin arrintaasi.

Lama soo sheegin qasaare ay geesteen hoobiyeyaashaasi oo badankood ku habsadeen dhismeyaal ku yaala xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, waxayna cabsi aad u balaaran ku abuureen dadweynaha halkaasi ku nool.

Ma'ahan markii ugu horeysay oo tiro hoobiyeyaal ah ku habsadaan xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ka mid ah goobaha ugu badan ee ka dhaca dagaalada ka taagan caasimadda.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani