Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Ciidamada maamulka Puntland oo xabsiga u taxaabay haweeney lagu eedeeyey in ay caruurta ka ganacsato.

Boosaaso, Jimce, 27 June - 2008 [Radio Simba]

Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan haweeney lagu eedeeyey in ay ka ganacsato dhalaanka da'doodu ay yar tahay.

Arrintan ayaa waxaa ay ka dambeysay markii saraakiil sar sare oo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ay shir jaraa'id ku qabteen xarunta taliska ciidamada ee maamulkaasi, halkaasoo uu wariyeyaasha kula hadlay taliyaha ciidamada booliska Puntland, sareeye guuto gen. Gaani.

Taliyaha ciidamada booliska ayaa sheegay in ay haatan baaritaano ku wadaan haweeneydani oo iyado lagu eedeeyey in ay iibsan jirtay dhalaanka soo koraya, waxaana goobtaasi uu shirka jaraa'id ka dhacayey goob jooge aheyd haweeneydaasi eedeynta loo soo jeediyey.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka amniga dowlad goboleedka Puntland, C/llaahi Saciid Samatar waxaa uu sheegay hadii haweeneydaasi lagu waayo dambiga haatan lagu heysto la fasaxi doono, ka dib marka uu soo dhamaado baaritaanada haatan ay wadaan.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani