Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Gaari Ural ah oo qarax xoogan lagula eegtay wadada KM-4 oo dhaq dhaqaaqeeda saaka hakad la galiyey.

Muqdisho, Jimce, 27 June - 2008 [Radio Simba]

Mid ka mid ah gawaarida dagaalka ee loo yaqaano uralka oo ay leeyihiin ciidamada Ethiopia ayaa saaka qarax miino oo aad u xoogan lagula eegtay wadada KM-4 ee magaalada Muqdisho, iyadoo illaa iyo haatan la ogeyn qasaaraha soo gaaray ciidamadii la socday gaarigaasi la weeraray.

Weerarkan ayaa ku soo aaday iyadoo saaka wadada KM-4 ay dhaq dhaqaaqeeda xayiraad ku soo rogeen ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho, sida goob joogey magaciisa ka baagsaday uu u xaqiijiyey idaacadda Simba, inkastoo wadada dib loo furay markii dambe.

Weerarkan ayaa dhacay xilli gaariga uralka uu ku sugnaa inta u dhaxeysa wadadooyinka KM-4 iyo tan Makka Al-Mukarrama, isla markaana xilligaasi aanu jirin wax dhaq dhaqaaq gaadiid ah, ka dib markii ciidamada AMISOM ay dadka u diideen in ay halkaasi isticmaalaan.

Inta badan wadadan xirnaanshaheeda ayaa lagu soo koobaa marka ay magaalada Muqdisho ka duulayaan madaxda dowladda KMG ah ama ay dib ugu soo laabanayaan caasimadda, inkastoo illaa iyo haatan jirin cid arrinkaasi shaaca ka qaaday.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani