Wiil u dhashay Germany isaga iyo waalidiintiisa ay kooxo dableey ah ku afduubteen qeybo ka mid ah Maamul Goboleedka Puntland ayaa la sheegay in xaaladiisa ay tahay mid ka sii dareysa sida uu sheegay mid ka mid ah duqeytada dadka deegaanka oo ku howlanaa sidii lagu siideynlahaa shaqaalahaasi.
Ninkaan odayga ah ayaa waxa uu doonayay in uu gacan ka geysto sidii Afduubayaasha gacantooda looga soo saari lahaa Shaqaalahaan u dhashay wadanka Germanyga,waxaana odaygaan uu sheegay in uu xiriir la sameeyay canugaan u dhashay Germanyga uu ka cabanayo cudurka duumada ama maleeriyada.
Caaqil Axmed Geedi oo ah nin si wey looga yaqaano deegaanka ayaa waxa uu sheegay isagoo qadka taleefanka ugu waramayay Wakaalada Wararka AP ayaa sheegay in ay isku dayi doonaan in gacanta haystayaashaa ay ka sii daayaan Wiilkaasi iyo waaladiintiisa ee u dhashay wadanka Germanyga oo doon dalxiis oo laga leeyahay wadanka Franca iyagoo la socda ay ka soo qafaasheen.
Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay si aad ah ugu rajoweynyihiin in lasii daayo ayaga oo badqaba lahaystayaashani reer yurub kuwaasoo ay sheegeen in iminka ay meel wanaagsan marayaan rajada lagaqabo siideynta dalxiislayaashaasi. |