Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Puntland oo cambaareysay lacag madax furasho ah oo lagu sii daayey Marka laga lahaa dalka Holand.

Muqdisho, Khamiis, 26 June - 2008 [Radio Simba]

Wasiirka dekadaha ee maamul goboleedka Puntland, Axmed Saciid oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa cambaareeyay isla markaana ku tilmaamay arrin aad looga xumaado lacag madax furasho ah oo la siiyey kooxo burcad badeed oo heysatay Markab laga lahaa dalka Holand.

Wasiirka ayaa xusay in talaabadani ay dhiiri galineyso misna kooxaha burcad badeeda u horseedeysa in ay isku adkeeyaan Maraakiibta ay afduubaan illaa laga siiyo lacago madax furasho ah.

Axmed Saciid, wasiirka dekadaha maamulka Puntland oo wareysi gaar ah la yeelatay idaacadda Simba ayaa mar la weydiiyey hadii maamulkiisu awood u leeyahay in ay ka hortagaan kooxaha burcad badeeda, ayaa waxaa uu sheegay in aysan arrintaasi awood buuxda u laheyn, hasa ahaatee ay ka codsanayeen QM in la dhaqan galiyo qaraarkii dhowaan laga soo saaray burcad badeeda.

Shalay ayay aheyd markii la soo sii daayey markab laga leeyahay dalka Holand, oo ku dhowan bil afduub loogu heysten degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani