Agaasime ku-xigeenka idaacadda Horseed, C/qaadir Maxamed Nuunow ayaa maanta dib xoriyadiisa u haley ka dib markii ay shalay ka kaxeesteen ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland xafiiskiisa uu ku leeyahay gudaha idaacaddaasi ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Duhurnimadii shalay ayey aheyd markii ay xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso ay u taxaabeen ciidamada maamul goboleedka Puntland Wariye C/qaadir Max'ed Nuunow, isagoo lagu eedeeyey in uu wareysi ka qaaday xubin ka tirsan maamulka Somaliland.
Dadaal dheer ka dib oo ay sameeyeen mas'uuliyiinta idaacadda Horseed iyo saraakiishii ciidamadaasi hogaamineysay ayaa la'isla gartay in la soo sii daayo wariye C/qaadir Nuunow, oo sidoo kalena wakiil uga ah idaacadda VOA-da magaalada Boosaaso.
Markii la soo sii daayey wariye C/qaadir Nuunow waxaa uu wareysi siiyey idaacadda Simba "waxaa la'isoo daayey ka dib markii ay isagarteen mas'uuliyiinta sar sare ee idaacadda iyo maamulka; wax dhibaato ah oo aan la soo kulmayna ma jiro".
Waxaa uu hadalkiisa intaa ku sii daray in uusan howshiisa u hakin doonin xarigaasi lagula kacay, isla markaana uu sii wadan doono howshiisa saxaafadda, iyadoo aaney aheyn markii ugu horeysay oo fal sidan oo kaleeto loogu geesto wariye ka tirsan idaacadaha madaxa banaan ee ka howl gala deegaanada maamul goboleedka Puntland. |