Saqdii dhexe 26-ka bishii Juun 1960-kii ayaa aheyd markii ugu horeysay ee la saaray calan Soomaaliyeed oo midibkiisu yahay buluug dhexdana siddig shan geesood cad ah ku leh, xilligaasoo ummadda Soomaaliyeed ay ka xuroobeen gumeystihii waqtigaasi jiray, xilligaasi oo ku aadan caawa shaqda dhexe ayaan ka muuqan magaalada Muqdisho wax diyaar garow ah si taariikhdaasi loo xuso.
Maalintaasi oo loo aqoonsaday maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed ayaa loo sameyn jiray xaflado iyo munaasabado kala duwan si loo xusuusto maalintaasi qiimaha iyo qaayaha weyn ugu fadhisa ummadda Soomaaliyeed, hasa ahaatee waxaan haatan jirin qaban qaabo ku aadan xuska maalintaasi oo lagu qaban jiray fagaarayaasha gobolada dalka iyo magaalada Muqdihso.
Maalintaasi ayaa waxay sidoo kale aheyd maalin ay si weyn u sugaan ummaadda Soomaaliyee ee ku nool qeybaha kala duwan ee dalka, isla markaana ku xisaabtamaan maalintaasi taariikhiga ah.
"Waagihii hore iyo haatan iskuma dhowa, waana kaaf iyo kala dheeri" sidaasi waxaa yiri Sheekh Xuseen Hilowle, oo ka mid ah wax garadka reer Muqdisho, isagoo idaacadda Simba u waramay.
Maalintaasi taariikhiga ah ayaa ku soo aaday xilli shacabka Soomaaliyeed haatan ay la daalaadhacayaan dhibaatooyinka ay sababeen dagaalada, oo ay ka mid yihiin gaajada, sicir bararka iyo barakac aad u baahsan. |