Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Maamulka deg. X/Jajab oo ku eedeeyay wadayaasha gawaarida mucaawinada in ay ka dambeeyeen goobka loo geesto.

Muqdisho, Arbaco, 25 June - 2008 [Radio Simba]

Gudoomiyaha maamulka degmada X/Jajab ee gobolka Banaadir, Axmed Sh. Maxamuud Qoorleex ayaa ka war bixiyey boobkii maalinimadii shalay loo geestay raashiin mucaawino ah oo u rarnaa hey'adda cunada Aduunka ee WFP ee QM oo loogu geestay meel u dhow dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Mr. Qoorleex oo wareysatay warbaahinta Simba ayaa ku eedeeyey falalka lagu boobo inta badan raashiinka mucaawinada ah ee maraya wadooyinka magaalada Muqdisho in ay mas'uul ka yihiin milkiilayaasha iyo wadahaasha gawaarida soo qaaday raashiinkaasi, oo uu tilmaamay in ay gawaarida ugu tagaan bartamaha wadada, isla markaana sidaasi boob loogu geestay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in shalay falkii ka dhacay agagaarka dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ay u gurmadeen ciidamada booliska ee degmada X/jajab, kuwaasoo rasaas hubiyey dadkii boobka geesanayey si ay u kala eryaan.

Si kastaba, hadalka gudoomiyaha ayaa ku soo beegmay xilli maalinimadii shalay fal boob ah lagula kacay raashiin mucaawino ah oo u rarkaan WFP, iyadoo falala ceynkaasi ah ay noqdeen kuwo ku soo laa laabtay gudaha magaalada Muqdisho.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani