Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

4 dumar oo dhaawac loogu geestay magaalada Kismaayo iyo raggii falkaasi ka dameeyey oo qaarkood gacanta lagu dhigay.

Kismaayo, Arbaco, 25 June - 2008 [Radio Simba]

Ciidamada booliska magaalada Kismaayo ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan illaa afar nin oo lagu eedeynayo in ay dhaawacyo u geesteen qaar ka mid ah haweenka ku nool magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose, iyadoo raggan gacanta lagu soo dhigay la sheegay in ay adeeg sanayeen aaladda tooreyda.

Illaa afar ka mid ah haweenka ku nool magaalada Kismaayo ayay raggaasi tooreeyeen habeenkii xalay, iyadoo haweenkaasi qaar ka mid ah dhaawacooda uu culus yahay. waxaana la geeyay cibitaalka magaalada Kismaayo.

Lama garanayo illaa iyo haatan sababta raggan ay u beegsanayaan haweenka ku dhaqan magaalada Kismaayo, waxaana arrintaasi walaac aad u xoogan ka muujiyey dumarka ku dhaqan magaalada oo iyagu si aad ah u hadal yahay illaa iyo xalay arrintaasi.

Arrintan ayaa sidoo kale waxaa ay keentay in dumarka ku nool magaalada Kismaayo ay soo aadi waayeen suuqyada magaalada, sida uu soo sheegay wariyaha Simba ee halkaasi, waana illaa iyo haatan sidoo kale la ogeyn in raggaasi ay waalan yihiin iyo in kale.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani