Hal ruux ayaa ku geeriyooday mid kalena waa uu ku dhaawacmay iska horimaad habeenkii xalay ka dhacay gudaha magaalada Balad weyn ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo dhinacyada u dhaxeeyay iska horimaadkaasi ay isku adeeg sadeen noocyada kala duwan ee hubka.
Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday guriga duqa magaalada Balad weyn, Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) waxaana goobtaasi waxyeelo kasoo gaartay mid ka mid ah ilaaladiisa.
Aadan Garaaso, oo xiriir arrintan kala sameeyey wariyaha Simba uga soo warama gobolka, si faah faahin dheeraad ah uga bixixiyo weerarka lala bar tilmaameed saday ayaan suura galin.
Ciidamada Ethiopia ayaa habeenkii xalay gudaha u galay magaalada Balad weyn markii weerarkaasi uu dhacay, waxaana cabsi xoogan ay ka taagan tahay saaka halkaasi, sida uu soo sheegayo wariye Cismaan Aadan Careys.
Si kastaba ha ahaatee, weerarkii xalay ka dhacay gudaha magaalada Balad weyn ayaa qeyb ka ah falalka amni daro ee ka jirta gobolka Hiiraan qeybo kala duwna oo ka mid ah. |