Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Sheekh Xasan Daahir oo sheegay in ciidamada Ethiopia aan dalka looga saari karin wax aan xabad iyo dagaal aheyn.

Muqdisho, Talaado, 24 June - 2008 [Radio Simba]

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah madaxda sare ee isbaheysiga dib u xoreynta dalka ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia aan dalka Somalia uga baxeynin wax aan dagaal iyo xabad aheyn, sida uu yiri.

Isagoo ku sugan magaalada Asmara ayuu wareysi siiyay idaacadda Simba, ayuu Xasan Daahir tibaaxay dadka balan qaaday qodobada ku aadan in ciidamada Ethiopia ka saari doonaan gudaha Somalia ay yihiin kuwo doonayo in ay marin habaabiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in Ethiopia ay qasaare fara badan kala kulantay gudaha Somalia, isla markaana aysan macquul aheyd in wada hadal ay kaga baxdo dalka, balse sida kaliya ee ay uga bixi karto uu yahay in xabad looga saaro, sida uu hadalka u dhigay Sh. Xasan Daahir.

Xasan Daahir ayaa sheegay in wali ku adkeysanayaan hanaankii loogu talagalay isbaheysiga dib u xoreynta, taasoo uu tilmaamay in ay ka weecdeen xubnaha heshiiska la galay dowladda KMG ah, oo uu ka mid yahay gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta, Sheekh Shariif.

Warkan kasoo baxay Sh. Aweys ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan dhinacyadii heshiiska ku saxiixay magaalada Djibouti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti ay si guud u taageereen heshiiskaasi.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani