Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Isbaheysiga dib u xoreynta oo si kulul u cambaareeyey afduubka lagula kaco hey'adaha samafalka.

Muqdisho, Talaado, 24 June - 2008 [Radio Simba]

Isbaheysiga dib u xoreynta dalka ayaa si kulul u cambaareeyay falalka afduubka ee lagula kaco mas'uuliyiinta hey'adaha samafalka ee mudooyinkan ku soo kordhaya gudaha wadanka Somalia.

"waan cambaareyneenaa falalka afduubka, raalina kama nin afduubka lagula kaco xubnaha samafalka ka shaqeeya, afduubayaalna ma nihi" sidaasi waxaa yiri Sheekh Yuusuf Siyaad Indha Cadde, xog-haya difaaca isbaheysiga dib u xoreynta Somalia, oo wareysi siiyay warbaahinta Simba.

Indha Cadde waxaa uu sheegay in u jeedkooda uu yahay la dirirka ciidamada Ehtiopia ee ku sugan gudaha dalka iyo waliba kuwa saaxiibadood ah, oo ula jeedo dowladda federaalka KMG ah.

Indha Cadde ayaa ku eedeeyay falalka afduubka in ay ka dambeeyaan dowladda KMG ah iyo ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka kasoo jeeray Yuusuf Indha Cadde ayaa imaanaya iyadoo dhowaan afduub loogu geestay deegaanka Ceelasha Biyaha sarkaal ka tirsanaa hey'adda qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR, waxaana falkaasi si kulul u cambaareeyay golaha ammaanka ee QM.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani