Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Tiro hoobiyeyaal ah oo goor dhoweyd lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee magaaalada Muqdisho.

Muqdisho, Isniin, 23 June - 2008 [Radio Simba]

Ku dhowaan shan hoobiyeyaal ayaa goor dhoweyd lala eegtay garoonaka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, xilli la sheegay in halkaasi uu ka duulayay wafdi uu horkacayo R/wasaare Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde.

Illaa iyo haatan ma cada qasaaraha ay geesteen hoobiyeyaashani oo lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo laga maqlay madaafiicdaasi qeybo kala duwan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ah ayaa hore tiro dhowr jeer ah weeraro hoobiyeyaal ah la bar tilmaameed saday garoonka Muqdisho, xilli halkaasi ay ka duulayeen madax ka tirsan dowladda KMG ah.

Dhowaan ayay aheyd madax weyne C/llaahi Yuusuf iyo wafdi uu horkcayey ay ka ambabaxeen garoonka Muqdisho iyagoo ku sii jeeday magaalada Addis Ababa, xilligaasoo weeraro lagu soo beegay garoonkaasi.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani