Mudo todobaad ka badan ayaa waxaa la la'aa meel uu jaan iyo cirib dhigay gudoomiyihii maamulka madaniga ee deegaanka Loogo ee gobolka Sh/Hoose, iyadoo meydka mas'uulkaasi maanta laga helay gudaha deegaankaasi Leego.
Axmed Yuusuf Muumin ayaa laga afduubay inta u dhaxeyso Yaaq bariweyne iyo Leego todobaad ka hor, sida uu idaacadda Simba u xaqiijiyey mid ka mid ah eheladiisa, waxaana arrinkaasi walaac aad u fara badan ka keenay ehelada marxuumkaasi.
Waxaa uu intaa ku daray mudooyinkan in ay gaadi goob ugu jireen sidii ay u ogaal lahaayeen halka uu ku dambeeyo, isagoo xusay meydka ay heleen in uu rasaas ka muuqday.
Dhanka kale, Beelaha dega gobolka Sh/Hoose qaar ka tirsan ayaa arrintan cambaareeyey, iyagoo tilmaamay in ay dhici karto falkani in uu salka ku hayo qilaafka sii labo jibaarmay ee kal hore soo kala dhex galay xubnaha isbaheysiga dib u xoreynta Dalka ee ku kala sugan Asmara iyo Jabuut.
|