Waxaa soo ifbaxay fashil ku yimid isbaheysiga dib u xoreynta dalka ka dib markii xubna ku kala sugan magaalooyinka Jabuuti iyo Asmara ee qilaafka soo kala dhex galay uu sii labo jibaarmay.
Qilaafka u dhaxeeya isbaheysiga dib u xoreynta oo soo taxnaa wixii ka dambeeyey dabayaaqadii bishii June ayaa waxaa uu noqday mid cirka isku sii shareeray markii xubnaha ku sugan magaalada Asmara ay shalay ku dhawaaqeen xilkii in ay ka qaadeen Sh. Shariif iyo Shariif Xasan.
Balse, Shariif Xasan, gudoomiyaha golaha dhexe ee Isbaheysiga dib u xoreynta oo u waramay Idaacadda Simba waxaa uu ku tilmaamay talaabadaasi mid aan sharci aheyn, isagoona xusay kooramka xilka looga qaaday uusan aheyn mid xilka looga qaadi karo.
Si kastaba ha ahaatee, haatan ayaa waxaa muuqanaya in uu meesha ka sii baxay mabaadiidii loo aas aasay isbaheysiga dib u xoreynta oo ay ku midoobeen markii hore madaxda golihii Maxaakiimta Islaamka oo mar maamuli jira inta badan K/Somalia. |